Jubbaland oo ku dhawaaqday inay kordhineyso la dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Feb 23, 2022 | 339 views

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka, isla markaana maalin walba ay dilayaan.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan aysan cabsi gelineyn dilalka Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay in la sii kordhiyo dagaalka lagula jira Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay tashato kana hortagto waxkasta oo keeni kara falal Amni darro ee lagu dhibaateeynayo Shacabka.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Kismaayo uu shalay ka dhacay qarax Gaarigiisa lagu xiray  kuna veerigoodsy Sheekh Cabdibdinaasir Xaaji Axmed oo kamis ahaa Culimada Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response