2 Sabab Oo Iska Shabahaan Safarka RW Kheyre Ee Puntland & Midkii Farmaajo

by admin | Thursday, Aug 2, 2018 | 1061 views

Siyaasiyiinta Taageersan Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in guul ay utahay Dawlada Madaxweyne Farmaajo Dedaalka ay ku bixinayaan dhameynta Xiisada Colaadeed Ee Tukaraq.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Tegay Deegaanada Puntland oo Si Cajiib ah loogu soo dhweeyey Halkaasi.

 

Waxaa loo arkayey Safarkaasi mid Dawladu umartay Nidaam Dimuqraadiyadeed Balse dadka Khubarada Siyaasada waxay ku micneeyeen mid Dano Siyaasad la xiriiray.

 

Farmaajo ayaa Xilligaasi waday Gunti isku giijis hase ha’aatee uu bulshada Soomaaliyeed uu usheegay in Socdaalkiisaasi ahaa Mid la magac baxay Kii Nabada.

Waxa uu doonayaa Madaxweyne Farmaajo in 2020 marka la gaaro uu Kursiga kusoo Laabto biseyl Siyaaasadeed oo jeeb furan ahna uu adeegsanayo.

 

Hadaba Maxay iska shabahaan Safarkii Kheyre & Farmaajo Ee Puntland?

 

R/wasaaraha Xukuumda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu socdaal ku marayaa Imink Deeganada Puntland.

 

Waxa ay Xoghoose.com Ogaatay in Qof walbo laga dhaadhicinayo inay Dwlada uqaban doonto wax walbo oo aas aasi ah sida Waxbarasho,biyo,koronto iyo Caafimad bilaash ah Adeeg Ku Saleysan.

 

Waase markii ay taageeraan Dawlada Nabad iyo Nolol,iyadoo Kheyre Qudhiisa uu rabo inuu 2020 Madaxweyne Isku soo sharaxo.

 

Waxay iska shabahan Farmaajo iyo Kheyre Safarkooda Puntland in Labduba ay Garowe Diyaarad ku tageen kadibna Shacab Badan soo dhaweyeen.

 

Socdaalka Dhulka oo lagu marayo ayey iyana iskaga mid yihiin inkastoo aftahanimada iyo soo jiidashada Dareenka Shacabka uu ku wanaagsan yahay Xasan Kheyre oo Khudbado Saameyn Leh Had iyo gooraale jeediya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response