Koox aan la aqoonsan oo Nigeria ku dishay ugu yaraan 34 ruux oo Shacab iyo Ciidan ah.

by admin | Wednesday, Jul 26, 2023 | 140 views

Koox hubeysan oo illaa hadda aan la aqoonsan ayaa Dalka Nigeria gaar ahaan Degmada Dan Gulbi ee Gobolka Ismaamulka Maru ku dishay ugu yaraan 34 ruux oo Shacab iyo Ciidan ah kuwaas oo bartilmaameed u noqday kooxdaan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka, 7 Askari oo katirsan Militariga Nigeria ayaa kamid noqday Dadka dhintay kaddib markii ay damceen in ay u gurmadaan Shacabka xasuuqa loo geysanayay oo caawinaad ka dalbaday.

Ismaaciil Magaji oo kamid ah Dadka Deegaanka ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in Dadkaan la laayay la caawin karay haddii gurmad xooggan loo diri lahaa Deegaankaas balse Ciidamo kooban oo goobta loo diray iyaga qudhooda laga dilay askar.

Lawali Zonai oo kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in 27 kamid ah Dadka Tuulada lagu dilay Weerarka, halka 7 kamid ah Ciidamada Militariga la weeraray iyaga oo u socday in ay gacansiiyaan Dadkaas la beegsaday.

Nigeria waxaa sanadihii u dambeeyay kusoo kordhay weerarrada ay geysanayaan Kooxaha hubeysan ee ilaa hadda aan la garan kuwaas oo intooda badan bartilmaameedsanaya Dadka rayidka ah ee u badan Xoolo dhaqatada iyo Beeraleyda.

Boqolaal ruux ayaa dhintay, tobaneeyo waala afduubtay halka ay barakaceen kumanaan muddo 3 sano ah waxaana dhaqdhaqaaq aan natiijo fiican dhalin wada Ciidamada Ammaanka oo goobaha saldhigyada ka dhigteen meelaha ka fog Dadka lagu beegsado.

Like it? Share it!

Leave A Response