RW Xamsa Cabdi Barre: “Waxa aan u diyaargarownay Ciidankii Amniga la wareegi lahaa marka ATMIS Dalka ka baxdo”.

by admin | Wednesday, Jul 26, 2023 | 192 views

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Tanzaaniya ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaarisay Ciidamadii Amniga la wareegi lahaa marka la gaaro Dhammaadka December 2024 oo qorshuhu yahay in ay dalka isaga baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in diyaargarowgaas xooggan uu ifafaalihiisu muuqdo iyada oo laga tusaale qaadan karo Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo ‘AS’ Ka qabsaday dhul ballaaran oo katirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la billaabayo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ka qorshe ballaaran howlgalkii wajiga 1aad maadaama ay ku biirayaan waddamada Xuduudda la wadaaga Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Itoobiya & Kenya.

“Waxa aan u diyaargarownay Ciidankii Amniga la wareegi lahaa marka ATMIS Dalka ka baxdo, waxa aan rabnaa marka la gaaro waqtigaas in aan macsalaameyno ciidankaan innaga oo u mahadcelineyna, waa mas’uuliyad adag oo aan go’aan ku gaarnay in aan ka gudubno caqabaddaas adag” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiradda saartay qorshaha ay uga shaqeyneyso sidii loo buuxin lahaa goobaha ay isaga baxaan Ciidamada Midowga Afrika oo dhowaan howlgalkooda ay wareejiyeen xeryo laga saaray askarta la dhimay ee hordhaca u ah bixitaanka dhammaadka December sanadka soo socda 2024.

Like it? Share it!

Leave A Response