Ciidamada Nabad-Sugidda oo xiray ganacsato u tegay lana soo shiray Al-Shabab

by admin | Thursday, Oct 22, 2020 | 443 views

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee ka howl-gala Beledxaawo ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen ganacsato la sheegay inay u tageen dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadaasi ay Al-Shabaab ugu tageen deegaanka Ceel-Cadde, islamarkaana ay kula soo shireen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka ku soo laabteen Beledxaawo la xiray ganacsatadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Al-Shabaab u aadeen ganacsatado gaadiid uu sheegay in laga heysto, si ay dib ugu soo ceshtaan.

Xiisad ka dhalatay xariga ganacsatada ayaa haatan ka taagan magaalada Beledxaawo, waxaana sidoo kale socda dadaalo ay wadaan waxgarada deegaanka.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanku ka bixiyeen xarigga lagula dhaqaaqay ganacsatadaas oo caan ka ah gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in loo cadaalad doonto Al-Shabaab ama lala macaamilo, iyada oo ay jiraan dad horey loogu xiray inay u tageen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response