faafaahin:Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 308 views

Inta la xaqiijiyay Shan Ruux oo Shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerar Bambaano oo xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goob Maqaaxi ah oo ku taalla Xaafada Dalxiiska oo dad badan ay ku sugnaayeen weerar bambaano lagu qaaday, waxana dadka dhaawacmay ay ahaayeen dadkii Maqaayada ku caweynayay.

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa tegay Goobta, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku qabqabteen dad farabadan oo looga shakiyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay weerarada bambaanooyinka ah iyo dilalka qorsheysan, iyada oo laamaha Amniga ay sheegeen inay tallaabi la xiriirta Amniga qaadi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response