Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Ingiriiska

by admin | Saturday, Jul 24, 2021 | 292 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta ee dowladda  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu safar ku tago  magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu magalada London uga qeyb geli doono shirka Caalamiga ee Arrimaha Waxbarashada, kaas oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson.

Sidooo kale shirka ayaa waxaa ka qeyb-geli doono Madax kala duwan oo Afrika ka socda oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta & Madax kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta ee dowladda  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisa Magaalada London waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu ku tago tan iyo markii xilka loo Magacaabay Sebteembar 17 sanadkii 20020.

Like it? Share it!

Leave A Response