Madaxda Hirshabeelle oo ka wada magaalada Jowhar kulamo lagu kala furfurayo Xildhibaanada

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 838 views

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo kulankan looga hadlayay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in kulamada ay isugu jireen kuwo gaar gaar ah iyo kuwo guud oo Madaxda Hirshabeelle lakala qaateen Xildhibaanada, waxaana inta badan looga hadlayay sidii loo xalin lahaa tabashada Xildhibaanada.

Ilo ku dhow dhow Xildhibaanada ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar la qanciyay, balse ay jiraan Xildhibaano kale oo ka biya diidan inay ka laabtaan Mooshinkan.

Wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in Madaxda Hirshabeelle ay dadaal ugu jiraan kala fur-furida Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay si degdeg ah ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii mooshin laga keenay uu aqbalay Guddoonka Baarlamaanka.

Madaxweyne Waare ayaa qabsatay caqabadii uu ka digayay ee aheyd labo geeriyaad, kaddib markii uu balanta uga baxay saaxibadiisa maamul goboleedyada, isla markaana heshiis la galay dowladda Federaalka iyo Mooshin uga yimid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, inkastoo dowladda Federaalka uu taageero ka heysato

Like it? Share it!

Leave A Response