Mukhtaar Roobow oo iska dhega tiray go’aankii Wasaaradda Amniga iyo Xaflad lagu taageerayo…

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 846 views

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xaflad lagu taageerayo Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow ay ka socoto magaaladaas, iyadoo munaasabadan ay jawaab u tahay go’aankii Wasaaradda Amniga Soomaaliya ku joojisay inuu u tartamo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Munaasabadda ka socota Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana taageero loogu muujinayaa Mukhtaar Roobow.

Wararka ayaa sheegaya inuu iska dhega tiray go’aankii Wasaaradda Amniga Soomaaliya ku joojisay Musharaxnimadiisa, iyadoo uu ololihiisa ka wado Baydhabo.

Dhaq dhaqaaqyada uu Mukhtaar Roobow ka wado Baydhabo ayaa xoogeystay, markii maalintii Khamiistii uu tagay, waxaa uu kulamo la qaadanayay odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday Afhayeenka Kooxda iyo Hoggaamiye kuxigeenka, hase ahaatee sanado ka hor isaga soo baxay, isagoo wada hadalo la furay dowladda.

Mareykanka ayaa ka qaaday lacagtii la dul-dhigay madaxiisa ee gaareysay 5-milyan, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in weli aan laga qaadin Mr Roobow xayiraadi saarneyd ee Caalamiga aheyd, sida tii Booliska Caalamka, dhaqaalaha iyo safarkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response