Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo War kasoo saaray Dacwadii Xisbiga Sheekh Shariif

by admin | Monday, Nov 11, 2019 | 605 views

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa xaqiijiyey in Xisbiga Himilo Qaran uu u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Maxkamadda Sare Dacwadda waxaa uu u gudbiyey 6-dii Bishii Octoober ee sanadkaan,kadib markii Garoonka Aadan-Cadde loo diiday in uu ka duulo Hoggaamiyaja Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa magalada Kismaayo.

Guddoomiyaha oo la hadlay Telefeshinka Voa-da qeybta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dacwaddaas ay u gudbiyeen Hay’adda Saadaasha Hawada oo laga dacwoonayey,isla markaana dhawaan la baabi doono dhageysiga Dacwadda.\

Waxaa uu sheegay in Sharciga Garsoorka dalka uu qabo hadii Xisbi uu dacwad u soo gudbiyo inay u sii gudbiyaan dadkii laga dacwoonayay markii ay kasoo jawaabaana dacwada la qaadayo.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhsgeysiga Dacwadda ka dhanka ah Hay’adda Saadaasha Hawada,isla markaana ay u soo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka in dacwadaan ay tahay mid Sharci ah,isaga oo meesha ka saaray inay faragelin kaga imaan karto dhinaca laanta fulinta loona yeeriyo Go’aamada.

Si kastaba waxaa dhawaan la filayaa in Maxkamada Sare ay qaado dacwadda ka dhanka ah Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya oo ay u soo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran.

Like it? Share it!

Leave A Response