Faahfaahin Ciidanka Jubbaland oo soo bandhigay hub ay ka furteen Al-Shabaab

by admin | Thursday, Jan 9, 2020 | 613 views

Howlgalkaan waxay ciidanka ka sameeyeen degaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalka ku dilay 3 kamid ah Al-Shabaab, waxayna nolosha ku qabteen hal dagaalame oo dhaawac, sidoo kale halkaasi ku furteen hub farabadan.

Abaanduulaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminaayey ciidanka howlgalka sameeyey ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalka iyo guusha ay gaareen ciidanka Jubbaland, wuxuuna sheegay in howlgalku kusoo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ayaa qorsheynaayey in ay weerar ku qaadaan deegaanka Cabdalla Biroole, balse ciidanka oo helay xogta  ay weerar ku qaadeen deganadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si guud faah faahin uga bixiyey howlgaladii ay saacadahii lasoo dhaafay sameeyeen ciidanka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response