Booliska Kenya oo xirey dad ay Soomaali ku jiraan

by admin | Sunday, Jan 19, 2020 | 573 views

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ee ka howlgalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas waxaa ay xireen 5 Ruux oo ay sheegeen inay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Dadka la xirey ayaa isugu jira saddex Ruux oo Soomaali ah oo laba kamid ah ay haween yihiin,mid kenyan ah iyo mid Mareykan ah,waxaana saraakiisha booliska Kenya ay sheegeen in dadkaas uu soo galay tuhun ah inay doonayeen inay weeraro ka fuliyaan Magaalada Nairobi.

Qaar kamid ah Warbaahinada ka howlgalla Gudaha Kenya ayaa daabacey in raggaas xilliga la xirayey ay wateen Gaari nooca Toyota Vitz,waxaana dadka la xirey ay kala yihiin,Maxamed Xasan Baarriyoow, Hodan Cabdi Ismaaciil iyo Ifraax Maxamed Abshir oo Soomaali ah, Maxamed Cabaas Maxamuud oo Mareykan ah, iyo Maxamed Aadan oo Kenyaan ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Kenya iyo kuwa loogu Magac darey la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada ay wadaan baaritano ku aadan dadkaasi la qabtey.

Dowladda Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay la kulmeysay weeraro dhowr ah oo kaga imaanayey dhinaca ururka Al-Shabaab,waxaana la sheegay inay heegan gelisey Ciidamadeeda.

Like it? Share it!

Leave A Response