Aadan Madoobe: “In Xildhibaanka lagu cadaadiyo ka qaybgalka fadhiga waxaa diidaya in uusan lahayn gunno balse waan ka shaqeyneenaa arrintaas”.

by admin | Tuesday, Jun 21, 2022 | 419 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaannada ka maqan fadhiyada Golahaas lala xisaabtamayo si aanay u dhicin baaqasho ka dhalata kooramka uu ku furmi karo shirkooda.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin doono si loo helo shuruuc toos ah oo qabta Xildhibaanka sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Golaha Shacabka BFS.

Lacagtaas ayuu tilmaamay in ay lamid tahay mushaarka la siiyo Dowladda, marka uu fadhiga tagana uu qaadanayo haddii uu maqnaadana bilaa cudur daar lala xisaabtamayo sida fasaxyada u banneenaya in uu maqnaado mudanaha balse lala ogyahay.

“Xildhibaannadu malaha gunno fadhi, gunno gaadiid & Caafimaad oo xeer hoosaadka ugu qoran, Baarlamaanka cusub waan kawada hadalnay in la dedaallo inta la awoodo si loo helo inkasta oo uu waddanka uu yahay dal dhaqaalihiisa iska burburay balse waa lagama maarnaan in la helo si shaqadooda u gutaan Xildhibaannada” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Meelaha laga helayo lacagtaas gunnada ah ku sheegay ay yihiin canshuurta ay qaado Dowladda Federaalka iyo lacagaha lagu kaalmeeyo Soomaaliya si lamid ah shuruucda lagu hayo fadhiyada Baarlamaannada Caalamiga ah.

“Sida Mushaarka caadiga ah loo helo ayaa lagu helayaa lacagta, badnaan shardi ma aha, Xildhibaannada sababta uu gunnada ugu baahanayo ayaa ah in marka uu safar caafimaad galo ama deegaankiisa dib ugu laabto, mana aha in haddii la waayo in fadhiyada u baaqanayaan, meelaha ay ka imaanayaan lacagahaas waa dakhliga Dowladda soo galo iyo Kaalmada la siiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in Baarlamaanka uu ka shaqeynayo sidii loo qaban lahaa Doorasho ka duwan middii lagu qabtay Hangarka Afisiyooni ee lagu doortay labadii Dowlad ugu dambeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response