Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 278,000 oo kalena way saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini’aadantinimada (OCHA). ⓘ Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda...

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud. ⓘ Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya. Cali...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan dagaalka uu ka socdo aagga deegaanka Xananbuure oo ah halka uu xoogiisu ka qarxay dagaalka labada dhinac. Wararka...

Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeymo ba’an oo cirka iyo madaafiicda ah ay dhacayeen subaxnimadii Isniinta iyadoo ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan taangiyo lagu riixay deegaanka ay weerar ku qaadeen taasoo dhalisay baaqyo badan oo caalami ah oo ku aaddan in la ilaaliyo rayidka. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 600...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. ⓘ Dagaalka ayaa ahaa mid dhexmaray ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa  Ururka Al-Shabaab, kaasoo yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar toos ah ku...

Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya dadka loo diiwaangeliyay in ay ku geeriyoodeen duqeynta arxan-darrada ah ee Israaiil ay ka geysaneyso Magaalada Gaza taasi oo sare u qaadday Dadkii horay loo diiwaangeliyay. Inkasta oo ay jiraan Dad Hilibkoodu uu go’go’ay oo xitaa la aqoonsan waayay haddana waxaa goobaha gaarka ah ee loogu talagalay in la dhigo Maydadka...

Howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaalif  ee magaalada Baladweyne  ayaa maanta hakad galay kadib markii roobka deyrta uu curta oo sameyn ku yeeshay howlaha garoonka. Qeybta dhabaha diyaaradaha ku ordan ayaa lagu waramaya in ay dhex jiifaan biyo ka soo fatahay buuraha ku hareereysan garoonka taasoo hakad gelisay howlaha garoonka diyaaradaha Baladweyne. Mid ka mid ah...

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo ay ka qaybgaleen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliis, Mas’uuliyiin katirsan Dowladda & Saraakiil kale. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay Shirkaan ayaa Hay’adaha qaabilsan sugidda...

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhamaan Culimada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. ⓘ Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajida gacanta ku haysa iney Masaajida ka sheegaan dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxda shabaab...

Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka. ⓘ Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo bixiyay wareysi, waxa uu sheegay,...