Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa camabareysay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’. ⓘ Weriye Cabdifitaax Macallin Nuur qeys oo ahaa agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa Muqdisho, ayaa kamid ahaa dhowr qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay degmada Boondheere...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, isaga oo magacaabay wasiir cusub. Madaxweyen Muuse Bixi ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqda Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Axmed Aadan Jaamac...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo...

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa caawa 6:30pm fiidnimo wuxuu cayaarayaa kulankiisii labaad oo ah kulan saaxiibtinimo ah, oo ay dalka Morocco kula cayaarayaan dalka Sierra Leon. ⓘ Xulka Soomaaliya ayaa kulankii hore guul darro 0-3 kalasoo kulmay dhigooda Niger. Kulankaas oo ka dhacay garoon kuyaalla magaalada Muhammadiyah. Waa kulankii ugu dambeeyay oo heer saaxiibtinimo...

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu diyaariyay Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda si ay qayb weyn uga qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan la filayo in xooggiisa uu ka billowdo Gobolkaas. Maxamed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada Federaalka ay fursad...

Ciidanka Israaiil ayaa Qafaashay Haween, Carruur iyo dhalinyaro badan oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku sugnaa qaybo kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii xannuun xooggan uu kasoo gaaray weerarkii Xamaas ku qaaday 7dii Oktoobar 2023. Saraakiil katirsan Dowladda Falastiin ayaa arrintaan ku xaqiijiyay xogo ay ka heleen ehelka qoysas kamid ah Dadka ay qafaasheen ciidanka...

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho. Saalax ayaa ku dheeraaday sida...

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la shaaciyay in Arbacada Berri ah uu Booqasho saacado ah ku tegayo Magaalada Tel Aviv ee Israaiil si uu ula kulmo Madaxda Maamulkaas oo dareemaya culeys uga yimid dagaallada iyo duqeynta Falastiin. Joe Biden ayaa horay u ballanqaaday in uu garab-taagan yahay Israaiil isaga oo u diray hub iyo ciidan ka yareeya culeyska uga imaanaya...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa...

Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taala xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. ⓘ Warsaxafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa...