Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Howlgal qorsheysan ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanada Wagaade, Mushaani, Kabtanlaay iyo kuwa kale oo hoos yimaada degaanka janaale oo katirsan gobalka Shabeellaha Hoose. Taliyaha ururka 83-aad gaashaanle Nuuradiin Macalin Xuseen, ayaa warbaahinta Codka Ciidamada Qlabka sida u sheegay in Ururka Al-Shabaab ay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasillooni, amni iyo horumar. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay inay abaarta daran ay saameysay ku dhawaan 7.8 Milyan oo qof, taasi oo u dhiganta ku dhawaan 50% tirada guud ee dadkeena. Cabdiraxmaan ayaa warbixin uu la wadaagay Golaha Wasiirada waxa uu ku sheegay in...

Gu’yaal badan, ruugcaddaaga siyaasiga mucaaradka Kenya, Raila Odinga wuxuu ahaa jaangooyaha siyaasadda gobollada galbeed ee ku teedsan Harada Victoria. Wuxuuna ahaa mid aad iskugu haleeya codadka qowmiyadda Luo ee uu ka dhashay, shantii doorasho ee madaxtinimada Kenya uu u loolamay.  Aad ayay xaggiisa ugu janjeeraan xaqiiqdii. Waxaana ay ugu yeeraan Baba ama Aabbe ay...

Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa. Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu sheegay toos ula macaamila Ugaasyada...

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, halka ay qorsheeyeen inay qarxiyaan buundooyin ama ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan, inta uu socdo qorshaha afduubku. Adam...

Warbaahinta Ruushka ayaa ku eedeynaysa Maraykanka inuu wax ka abaabulay weerarkii lagu dilay Daria Dugina oo aheyd gabar uu dhalay Aleksander Dugin oo isbahaysi dhow la ah Madaxweyne Vladamir Putin.  “Dilka Daria waxay u badan tahay inuu mideyn doono dadka Ruushka maadaama ay tuhunsan yihiin inay Ukraine ku lug leedahay,” waxaa sidaas Fox News u sheegay Rebekah Kofflar...

Xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Jeddah iyo Qaramada Midoobay ayaa A ku biiray xulafada Soomaaliya -oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Masar, iyo Turkiga – iyagoo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof. Ciidamada Booliska &  Militariga ee Magaalada ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo hogaaminayay Matalayaal ka socday Culimada Soomaaliyeed. Inta uu socday kulanka waxaa diirada lagu saaray kaalinta Culimada Soomaaliyeed ku leeyiihiin Gurmadka abaaraha, Amniga iyo Dowlad wanaaga. Sidoo kale kulanka waxaa...

Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa haatan qorshaynaya inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed muddo haatan ku siman lix sannadood oo uu xumaa xiriirka u dhexeeyay labadan dal. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa haatan qorshaynayaa inuu dib ugu celiyo dalka Iran safiirkiisa u fadhiyey magaalada Tehran, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha debedda ee Imaaraadka...