Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwa Booliska Hir-Shabelle iyo Nabadsugida oo ay wehlinayeen kuwa AMISOM ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxa ay Maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle. Ciidamada oo howlgalka ka fuliyay Afarta Xaafadood ee magalada Jwhar ayaa baarayay gurtaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala...

Alshabaab ayaa sheegay in ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada Galmudug ku lahaayeen deegaanka qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Alshabab iyo ciidamada Galmudug. War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Alshabab, ayaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay 30 kamid ah ciidamada Galmudug, iyadoo Alshabaab ay la wareegtay...

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Shabeelow oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay gelinkii dambe  ay ku dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu ka dambeeyay...

Waddanka Uganda ayaa oggolaaday inay si kumeel gaar ah u martigaliso 2,000 oo qaxooti Afganistan ah kadib codsi ka yimid Mareykanka, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Uganda. Esther Anyakun, oo ah wasiiru dowlaha gargaarka, u diyaargarowga masiibooyinka iyo qaxootiga ee Uganda ayaa sheegtay in madaxweyne Yoweri Museveni uu ku amray in ay u diyaar garowdo...

Waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo safar shaqo u aaday magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan...

Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania. Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegay inay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah. Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga...

Wafdi ka Socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, waxaana soo dhaweeyay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Xubno kale. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyaga oo kala hadlaya xaaladda Amni ee Soomaaliya. Agaasimaha...

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal ka wada inta u dhaxeysa degaanka Baar-sanguuni & dhulka Beeraleyda ah ay weerar ku qaadeen Xubno ka...

Gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marka hore uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, dhaawacaas oo uu ugu dambeyn u geeriyooday. Alle ha u Naxariistee Maxamed Abuukar Afrax ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay gariga uu saarnaa waxaa uu marayay inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar...

Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin guud ka bixiyay dad kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, kadib dabeylo xoogan oo ka kacay Xeebaha Gobolkaas. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Mamaulka Jubbaland Cabaas Cali ibraahim ayaa sheegay in dabeeylaha kacay ay sababeen inay qalibmaay 11 doomood, isla markaana ay ku dhinteen 5...