Guddoomiyihii degaanka Garasbaaleey oo qarax lagu dilay

by admin | Tuesday, Aug 17, 2021 | 255 views

Gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marka hore uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, dhaawacaas oo uu ugu dambeyn u geeriyooday.

Alle ha u Naxariistee Maxamed Abuukar Afrax ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay gariga uu saarnaa waxaa uu marayay inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degaanka Garasbaaleey ayaa Risaala u xaqiijiyay geerida Guddoomiyihii degaanka, waxaana jira sidoo kale dhaawac ka dhashay qaraxaas.

30 kii Bishii May ee Sanadkan ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wax uu u Magacaabay Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey ee maanta la dilay, kaas oo bedelay  Gudoomiyihii Isaga ka horeeyay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo isna qarax lagu dilay.

Like it? Share it!

Leave A Response