Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin laga helayo

by admin | Wednesday, Aug 18, 2021 | 271 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal ka wada inta u dhaxeysa degaanka Baar-sanguuni & dhulka Beeraleyda ah ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsa n Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray labada dhinac, balse aysan faah faahin karin tirada dadka ku dhintay dagaalka.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano u dhow degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Degaano dhowr ah oo ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhowr eer lagu weeraray Ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland, waxana mararka qaar ay sameeyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response