Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay Axmed Xuseen Nuur (Keyse), kaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin-jebiyey Jaamacad.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xalay ay marxuumka ku dileen xaafadda Buulo-Xuubey, kadibna ay goobta isaga baxsadeed.
Ragga dilay marxuumka oo gaareyey illaa 3 nin ayaa ahaa burcad, kuwaas oo doonayey inay taleefoonka ka qaataan wiilkaasi dhalinyarada, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay toogashada, waxaana kadib ay ka qaateen Mobile-kii uu watay wiilkaasi.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jiro cid ay u soo qabteen falkaasi.
Geerida Axmed Keyse ayaa waxaa si weyn uga naxay ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, maadaama ay isku soo xigsadeen maalmaha dabaal dega ee qalin-jebinta iyo geeridiisa.
Arrintan ayaa qeyb ka dhan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Muqdisho, waxaana degmooyinka qaar ee xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geystaa dadka rayidka ah.