Canada oo ku guuleysatay daadgureynta Dadka u dhow Keymaha dabka ka kacay.

by admin | Sunday, Aug 20, 2023 | 152 views

Dowladda Canada ayaa ku guuleysatay in ay daadgureyso Dadka degen agagaarka Gobolka British Columbia oo Keymaha ku dhow ay gubteen si loo badbaadiyo dadkaas sida uu sheegay sarkaal katirsan Dowladda oo Warbaahinta la hadlay.

Dabka ayaa kordhay saacadihii dambe ee Shalay waana tan keentay in cabsi weyn laga muujiyo dadka deegaanka ah oo ugu dambeyn lagu qasbanaaday in la daadgureeyo Dad gaaraya 35,000 oo ruux oo la dejiyay goobo Kumeel-gaar ah.

Maamulka Gobolka British Columbia ayaa Jimcihii ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo la geliyay Gobolkaas, keliya waxaa dhaqdhaqaaq loo ogol yahay kooxaha ka shaqeynaha daminta Dabka, Daadgureynta Dadka iyo garabsiinta kooxaha howlahaas wada.

Canada ayaa muddooyinkii dambe waxa ay dagaal xooggan la galeysay xal u helista dabka ka kaca dhulka keymaha ah, sababta keentay ayaa dusha laga saaray isbaddelka cimillada gaar ahaan kulka badan ee Warshadaha.

Like it? Share it!

Leave A Response