Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa...

Daah Furka Ceelal Laqoday oo Maanta Lago Wareejinaayay Shirkadaha Qaabilsan Biyaha Baydhabo ee Wazaarada KGS, ...

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarigga ka Jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo baneeyey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu weheliyo masaajid dhawr dabaq ah oo isla xarunta wasaaradda ku dhexyaalla, kaas oo loogu talo galay dadka musallinta ah. Munaasibad ballaadhan oo xariga lagaga jaray maanta dhismahan cusub ay yeelan doonto...

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa Ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha Dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoona sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan Magaalada muqdisho. Sidoo kale Wasiir  islow ayaa waxa uu sheegay in ka hor sugida...

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kula kulmi doona Singapore 12 bisha June,sida uu sheegay madaxwayne Trump. “Waxa aan labadeenaba isku dayi doonaa in uu noqdo kulan gaar ah oo jawi nabadeed u horseeda caalamka!” ayuu bartiisa Tweetar-ka ku soo qoray Mr Trump. Bishii March, Mr Trump ayaa caalamka ka yaabiyay ka dib...

Rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen guriga mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Wadajir. Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa uu ka sheego warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in gurigiisa uu ka maqnaa markii uu weerarka dhacayay, bartilmaameedkana uu isaga...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ammaanka dalka iyo qorshaha xasilinta caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyeyaasha ciidanka xoogga, Nabad sugidda, Booliska iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay fiidkii bartamaha magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool loogu geystay xoghayihii xisbiga Kulmiye ee gobolkaasi, oo hada talada haya. Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeysay dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi, waxaana uu ahaa nin aad u firfircoon oo shaqadiisa ku ad adag. Dad goobjoogayaal...

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Shir Gudoomiyay Kulan ku saabsan AMniga Caasimada oo ay ka qeybgaleen Golaha Amniga Qaranka. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Ciidanka Booliska, Waxaa Goob Joog ahaa; Wasiirka Amniga Somaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida, Kulanka ayaa...

Waxaan halkan Tacsi Tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan dhalinyarada Reer Tiyeeglow iyo Ceelgaras geerida naxdinta leh ee magalada muqdisho ka dhacdey oo dilka loogu geestey dhalinyarada Deeganka gobolka bakool degmada Tiyeeglow iyo Ceelgaras lagu laayey oo gacan ka xaqdran dishey inaa lilaah wa ina ileyhi Raajicuun Allow Janadii Fardowza ka waraabi AmiiAamiin Aamiin.   ...