Madaxweyne Muuse Biixi” Eedaamada salaadda ha la mideeyo”

by admin | Sunday, May 13, 2018 | 1528 views

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarigga ka Jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo baneeyey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu weheliyo masaajid dhawr dabaq ah oo isla xarunta wasaaradda ku dhexyaalla, kaas oo loogu talo galay dadka musallinta ah.

Munaasibad ballaadhan oo xariga lagaga jaray maanta dhismahan cusub ay yeelan doonto wasaaradda Diinta iyo Awqaafta  Somaliland iyo masaajidka ku lammaan, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Ganacsade Axmed Daahir Baxsane, culimaa’udiin, waxgarad iyo shaqaale-weynaha wasaaradda Diinta, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey dhismaha cusub ee wasaaradda iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadallo waano iyo wax-sheeg ah u jeediyey culimaa’udiinka ka hawlgala xarunta wasaaradda iyo maamulkoodaba, waxana uu usoo jeediyey inay ku dedaalaan yaraynta khilaafaadka Diiniga, waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi, “Culimadu maanta way badan tahay, aqoontooduna way badan tahay, waxana suuragal ah inay kooxiba Iskuul gaar ah ama Maddarasad gaar ah ama sheikh gaar ah kasoo baxday, khilaafka iyo mesalooyinkana Ilaahay baa adduunyada u abuuray oo waa joogto oo waa dabiici, waayo ra’yigaa kasoo baxa oo waa la isku geeyaa, sidaas darteed waxan rajaynayaa inay ururiyaan afkaarta culimada oo aanu khilaaf diineed inagu dhicin oo la yareeyo oo Iskuulladaa iyo culimadaa kala duwan ee laga soo kala baxay, ay wasaaraddu awood u hesho in waxyaabaha hoose ee lagu marmaa aanu khilaaf culimo oo waaweyn inaga dhex abuurin.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa maamulka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta usoo jeediyey inay mideeyaan Eedaanka salaadaha kala duwan, gaar ah waqtiga lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta, “Qodobka labaad ee aan doonayaa waa in la mideeyo Eedaamada salaadda, bisha Ramadaan ee aynu gelayno in ka Afurka la mideeyo iyo ka arooryo oo ay jiraan Eedaamo badani oo midba saacadda uu tooso ahi, diintana waa in la aloosaa oo shacaa’irta diinta kor loo qaadaa, laakiin waa inaanay keenin dhibaato, dad bukaana jira, markaa in la isku qiyaaso oo Eedaannadii la mideeyo oo kor loo qaado, iyada oo aan shacaa’irtii diinta meel lagaga dhacaynin weeye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray,

Like it? Share it!

Leave A Response