Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in Fatahaado hor leh Wabiga Shabelle uu ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.Wabiga ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku Fatahay Tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Guddoomiye ku xigeenka Tuulada Far-Barako Nuur Iimaan (Nuur Daarood) oo la hadlay warbaahinata  ayaa ka warbixiyay...

Khaladaad kala duwan ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo si la mid ah gudaha madaxtooyada “Villa Somalia” intii lagu guda jiray qaabilidda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho gaaban oo rasmi ah ku yimid dalka. Haddaba waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa khaladaadkii hannaanka hab maamuuska ee la hareer maray:- 1- iyadoo la dhowrayo xilka,...

Inta la xaqiijiyay  25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen. Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale. Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan,...

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay. Xaaf ayaa soo...

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa dhaliilay qodob ka mid ah heshiiskii ay shalay Muqdisho ku saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Qodobkaas oo ahaa qodobka 7-aad ee heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Ethiopi iyo Somalia ayaa dhigayey in si...

Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Itoobiya. Calamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sharaxay Wadada Makah Al-Mukaramah, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaaanka Muqdisho. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Muqdisho uu kusoo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,...

Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyadoona Amniga Magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Ammaanka. Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Banaadir iyo howlwadaag ayaa xiran iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah. Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa Warbaahinta u sheegay in sidoo kale maanta xiran yahay Jidka Makah Almukaramah. Waxaa...

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney dulqaad muujiyaan Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto. Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in 12 bilood ee soo socda ay rajeynayaan...

Ummadda Islaamka ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegaya maalinta Koowaad ee Ciidl Fidriga, maadaama ay xalay dhalatay bisha shawaal oo si weyn loo sugayay. Dadka Islaamka ah ayaa mudo 29 maalmood ah gudanayay waajibaadka iyo kheyraadka ku jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna maanta u dabaaldegayaan Ciidul Fidriga. Subaxda hore ee saakay ayay dadka u dareerayaan Tukashada...

Iyadoo siweyn isha loogu wada hayo guud ahaan dunida Muslimka gaar ahaan dalka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale dalalka Muslimka qaarkood waxaa ay ku dhawaaqeen in maalinta Berri ah tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Fidriga. Dalalka Sacuudiga, Qadar, Indonesia iyo Pakistan  ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda...