Ra’iisulwaare Kheyre oo Farriin u diray Shacabka Muqdisho{AKHRISO:}

by admin | Saturday, Jun 16, 2018 | 894 views

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney dulqaad muujiyaan Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in 12 bilood ee soo socda ay rajeynayaan in wax badan ay iska badalaan.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo saraakiishooda ay kula dardaarmeyn sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in shacabka loogu baahan yahay iney u dulqaataan xerista wadooyinka muqdisho inta dowladda soomaaliya ay ka shaqeyneyso sugida amniga caasimada.

Xasan Cali Khayre Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan xalay ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye oo uu la yeeshay saraakiisha hay addaha amaanka ee dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response