Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay damisay codbaahiyayaasha ugu xirnaa sohdinta ay la wadaagto dowladda Waqooyiga Kuuriga ee ku qeylin jiray dhinaca dalka Waqooyiga Kuuriya. Dowladdu waxaa ay sheegtay in arrintan ay u sameysay iyada oo ixtiraameysa wadahadallada heerka sare ee laba dhinac dhawaan ku dhexmaraya gacanka kuuriya. Sameecadahan waxaa ay baahin...

Dadka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay fatahaadda Wabiga Shabeelle oo ay sheegeen in uu hadda buux dhaafay. Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ee oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Biya baxada Wabiga ay hadda dad badan ku heyso cabsi badan iyada oo biyaha Wabiga ay dhaafeen xaddiga Wabiga. Dowladda Soomaaliya,Maamulka...

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka Gobolka Benaadir u soo dooranayaan goleyaasha degmooyinka. Guddoomiyaha...

Sida uu qorshaha yahay waxaa maanta oo Isniin ah bilaabaneysa is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka. Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kulankoodii labaad yeeshay ayaa soo saaray Jadwalka iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Golaha. Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa...

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa lagu toogtay Hawada kaddib markii ay ku dhawaatay xarunta laga xukumo Sucuudiga ee Riyaadh. Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Sucuudiga ayaa Hub culus u adeegsaday Diyaaradda iyada oo xalay inta badan Riyaadh laga maqlayay Rasaas u muuqatay labo dhinac. Saraakiisha amaanka Madaxtooyada ayaa sheegay in Diyaaradda laga shakiyay islamarkaana...

Khilaaf ayaa soo gala dhexgalay Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo sidoo kale wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana Khilaafkaan uu ka dhashay kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlaayay Badqabka Suxufiga. Wasiiradda oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in shirkaan lagu casuumay, islamarkaana markii ay yimaadeen ay la kulmeen...

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga ka siidaayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa xiray Boqorka Markii uu kasoo laabtay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland. Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee...

Kulankan oo looga hadlayay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa ka horta fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne islamarkana gurmad kala duwan loo gaarsiin lahaa dadka dan yarta ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne, iyo xubno ka tirsan ha’yadaha samafalka. Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed...

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka . Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga...

Gabar lix bilood jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya, falkaasi oo noqonaya kii ugu dambeeyay falal taxana aha oo kufsi loogu geystay caruur badan oo dalkaasi ku sugan, taasi oo lagu tilmaamay in dalku uu galay xaalad degdeg. Jismiga ilmahan yar oo wadda dhiig ah ayaa laga helay qeybta hoose ee dukaan ku yaalla magaalada Indore...