Dadka Beledweyne oo ka walaacsan Fatahaadda Wabiga Shabeelle

by admin | Monday, Apr 23, 2018 | 1037 views

Dadka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay fatahaadda Wabiga Shabeelle oo ay sheegeen in uu hadda buux dhaafay.
Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ee oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Biya baxada Wabiga ay hadda dad badan ku heyso cabsi badan iyada oo biyaha Wabiga ay dhaafeen xaddiga Wabiga.
Dowladda Soomaaliya,Maamulka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayey ka codsadeen in ay arrintaas wax ka qabtaan ka hor inta uusan wabiga billaabin fatahaadda.

Shalay Magaalada Beleweyne waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay’daha samafalka kaas oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Fatahaadda Wabiga Shabeelle.
Sanadkasta marka uu Roobka billowdo Wabiga Shabeelle waxaa uu Fatahaad ka sameeyaa Gobollada uu maro ee kala ah Hiiraan,Shabeellaha dhexe iyo Shabeella hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response