K/Kooriya oo damisay codbaahiyayaashii Sohdinta ee ku qeylin jiray waqooyiga

by admin | Monday, Apr 23, 2018 | 1241 views

Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay damisay codbaahiyayaasha ugu xirnaa sohdinta ay la wadaagto dowladda Waqooyiga Kuuriga ee ku qeylin jiray dhinaca dalka Waqooyiga Kuuriya.
Dowladdu waxaa ay sheegtay in arrintan ay u sameysay iyada oo ixtiraameysa wadahadallada heerka sare ee laba dhinac dhawaan ku dhexmaraya gacanka kuuriya.
Sameecadahan waxaa ay baahin jireen hadallo barabagaando ah oo ku wajahan Ciidamada Waqooyiga Kuuriya ee deggan Sohdin iyo dadka shacabka ah ee u dhow sohdinta labada dal.

Sameecadaha K/Kuuriya ee baahinayay dimuqraaddiyadda,Hanti wadaagga iyo nolosha.
Lama oga in waqooyiga Kuuriya ay dhinaceeda damin doonto codbaahiyayaasha ku xiran Sohdinta ee iyaguna ku qeyliya dhimaca Koofurta Kuuriya.

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un,ayaa la filayaa in Jimcaha soo aaddan uu la kulmo dhiggiisa Koofurta Kuuriya Moon Jae-in,kulankaas waxaa uu ka dhici doonaa Magaalada Panmunjom oo ku taalla gacanka Kuuriya.
Kulankan haddii uu qabsoomo waxaa ay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay wax ka badan toban Sano kaddib ay wadahadal yeelanayaan labada Kuuriya.
Sidoo kale Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Bisha June ee soo socota.

Like it? Share it!

Leave A Response