maamulka gobolka hiiraan oo cagta saaray wadadii uu ku fashilmay maamulki hore{Akhriso}

by admin | Sunday, Apr 22, 2018 | 1239 views

Kulankan oo looga hadlayay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa ka horta fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne islamarkana gurmad kala duwan loo gaarsiin lahaa dadka dan yarta ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne, iyo xubno ka tirsan ha’yadaha samafalka.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid  lagu gorfeynayo sidii la iskaga kaashan laha caawinta dadka danyarta iyo ka hortaga fatahaada wabiga.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin  ayaa sheegay in maamulka iyo ha’yaddaha samafalka isku afgarteen in wada jir looga qeyb qaato sidii gurmad loo gaarsiin laha dadka dan yarta islamarkana looga hortagi laha fatahaada wabiga shabeelle.

Wabiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo laga cabsi qabo inuu fatahaad sameeyo, waxana wali malmahan  ka da’ay gobolka  roobabkii guga.

maamulka cusub ayaa bilaabay in uu kala qeybiyo bulshada  magalada baladweyne asigoo hada ay u muuqado in ay soo wajaheen    caqada badan,

Like it? Share it!

Leave A Response