Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

War kasoo baxay Taliska Mareykanka u qaabilsan howlgallada qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Duulliye la’aanta ay beegsadeen saraakiil katirsan AS oo ku sugan Meel u dhaw Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan 23kii October 2022. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaan ay dhacday xilli xubnaha katirsan AS ay dagaal kula jireen Ciidamada Dowladda...

Maxmamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukunkii dilka toogashada ahaa fagaaraha Iskuul Bulusiya ugu fulisay laba Rag ah oo ka tirsanaa Kooxda Daacishta Soomaaliya. Ragaan oo lagu kala Magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax ayaa lagu helay dilal ay ka geysteen Magaalada Muqdisho & Magaalada Boosaaso ee...

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay is rasaaseyntii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jigjiga oo ay ku geeriyootay Xildhibaan Jaweeriya Subcis. Madaxwrynaha ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay ehelladeeda iyo Asxaabteeda geerida Xildhibaanad Juweeriya, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in gacanta lagu hayo...

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen  dhalinyaro ay sheegeen in lagu soo qabtay falal dhac toos ah iyo wax dafid 48kii saac ee u dambeeyay. Dhalinyaradaan oo gaaraya ilaa 5 ayaa Maamulka degmada Wadajir uu soo bandhigay Magacyadooda iyo Sawiradooda, waxaana lagu kala Magacaabaa. 1. Cabdulqaadir Cabdullaahi...

Madaxweyne ku xigeenka  Hirshabelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku sugan degmada Maxaas ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan iyo dar-dar galinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ee ka socda Hiiraan . Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka...

Iska Hor imaad udhaxeeya Askarta ilaalada ka ahayd Garoonka Diyaarada Magaalada jig jiga ayaa Sababay khasaare badan. Dhimashada hada la Xaqiijiyay ayaa la sheegay inay dhimatay Xildhibaanad Juweeriya Subcis. Shacab badan ayaa dhawacmay Dhimashada kalana wali lama Xaqiijin karo. Intaas waxaa dheer inuu wali dagalamayo Askarigii Xabada bilaabay Dagaal ayaana ka socda Garonka. ...

Ciidamada Dab demiska Somaliland ayaa goordhow kasoo saaray Biyo xireenka Magaalada Gabiley Maydka Caydaruus Sheekh Cumar Ibraahim oo katirsanaa Ciidamada dam demiska, kaas dhowr iyo toban saacadood maydkiisa laga raadinayay dhaamka. War kasoo baxay Taliska Ciidamada dam demiska Somaliland ayaa waxaa lagu yiri” Waa Geeri Xanuun badan ,ugu horayn Taliyaha ciidanka Dabdemiska...

Waxaa weli degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab , kaas oo ay siwadajr ah u wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo iskaashanaya. Howlgalla ayaa sigaar ah uga socda laba qeyb oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe sida aaga degaanka Masaajid Cali Gaduud iyo dhinaca tuulooyinka hoostaga Magaalada...

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah uu dagaal beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay ka socdaa degaano hoostaga degmada Walanweyn oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul beereed halkaai kuyaalla, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday 8 ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhinteen. Mid kamid ah waxgaradka...

Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa golihiisa iyo warbaahinta la wadaagay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday magaalada Hargeysa. Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafada Jigjiga yar uu isku deldelay Aabe ay soo wajahday duruufo adag oo nololeed, islamarkaana iska bixin kari waayay kirada iyo nolosha gurigiisa. “Nin ayaa isku del-delay...