Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen. “Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada...

Urur goboleedka IGAD, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada kale ee ka taageera mashaariicda horumarinta ayaa ku baaqay in iskaashi ballaadhan laga sameeyo sidii loola tacaali lahaa gaajada iyo cunto yaraanta ka jirta gobolka. Qiyaastii illaa 51 milyan oo qof oo ku nool wadamada bariga Afrika ayaa si aad ah ugu baahan cunto, biyo iyo daawo. Wasiiro ka kala socda illaa...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Al-Shabaab dhawaan ka geysteen ee magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan. Madaxweyne Guudlaawe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaato aad u baaxad weyn ay ka dhacday goobihii qaraxyada, isaga oo sheegay in Al-Shabaab ay ummadda Soomaaliyeed...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho saaka ku fulisay Xidigle Cabdi Naasir Daa’uud Sheikh Hassan oo hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaaftay ee September ee  Sanadkan 2022. Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo...

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada luuq ee Gobolka Gedo. Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano xero kowaad oo ah afaafka hore ee laga ilaaliyo buundada degmada luuq. Goobjoogayaal...

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay beegsi uu sheegay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan kula kacay beesha uu kasoo jeedo, kadib qaraxyadii dhawaan gilgilay magaalada Beledweyne. Jeesow ayaa sheegay in guddoomiye Jeyte uu ciidamo badan dul dhigay Buundada Liiq-liiqata, islamarkaana uu amray in qofka reer Qoraxsin ee gudaha magaalada...

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa tijaabinaya tiro ka mida daawada sharoobada ee loo isticmaalo qufaca ee ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden ee loogu talo galay in dalalka debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya, daawooyin ay shirkaddani soo saartay iyo dhimashada tobanaan...

Dab geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo, kaas oo khasaaro u geystay Hanti farabadan oo ay lahaayeen Ganacsato kunool Magaalada Kismaayo. Maamulka Magaalada Kismaayo & Bulshada Magaalada oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn saqdii dhexe ee xalay ku guuleystay daminta dabkaas, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi...

Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada london kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska. Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Isniintii ka dhacay Magaalada Beledweyne. Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada...