Daawo lagu farsameeyey India oo sababtay geerida 66 Caruur ah

by admin | Friday, Oct 7, 2022 | 282 views

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa tijaabinaya tiro ka mida daawada sharoobada ee loo isticmaalo qufaca ee ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden ee loogu talo galay in dalalka debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya, daawooyin ay shirkaddani soo saartay iyo dhimashada tobanaan caruur ah oo ku nool waddanka Gambia.

Dhimashada 66 caruur ah oo u dhashay dalka Gambia ee ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa dhabar jab ku ah, sumcadda daawooyinka lagu farsameeyo dalka Hindiya, iyaga oo daafaha adduunka u dhoofiya daawooyin tiro badan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tijaabo shaybaadh oo lagu sameeyey afar ka mida badeecadaha ay soo saarto shirkadda Maiden, kuwaas oo kala ah, Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup, inay ka soo baxday natiijo aan la qaadankarini, taasoo ay ku jiraan waxyaabo sun ah oo dhaawac gaadhsiinaya kelyaha.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in muunado isku dhaf ah oo ay soo saartay shirkaddani oo ka kooban dhamaan afarta nooc ee walaaca caafimaad laga muujiyey, inay u direen shaybaadh dawladeed, iyaga oo sugaya natiijada ka soo baxda, si ay ugu go’aan qaataan.

Wasaaradda ayaa ka codsatay hay’adda WHO inay la wadaagto dawladda Hindiya, natiijada muujinaysa in daawooyinka ay shirkaddani soo saarto inay sababeen dhimashada.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday, in fariin email ah, lagaga codsaday hay’adda WHO inay ka falceliso arrintan, hase ahaatee kama aysan soo jawaab

Like it? Share it!

Leave A Response