Xukuumadda Somalia & Jubbaland oo ka hadlay dabkii ka kacay Suuqa Kismaayo

by admin | Wednesday, Oct 5, 2022 | 262 views

Dab geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo, kaas oo khasaaro u geystay Hanti farabadan oo ay lahaayeen Ganacsato kunool Magaalada Kismaayo.

Maamulka Magaalada Kismaayo & Bulshada Magaalada oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn saqdii dhexe ee xalay ku guuleystay daminta dabkaas, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre & Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayay dabka ka kacay Suuqa Magaalada Kismaayo ayaa yiri” Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii hantidooda ku waayay musiibadii ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada reer Kismaayo ee hantidoodii ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo, dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta,”

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxweynaha ayaana umahad celiyay Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan oo gacan wayn kagaystay daminta Dabkaa iyo bulshada rer Kismaayo oo si’ wayn uga qayb qaatay daminta dabkaa ka kacay suuqa.

Wuxuuna Alle uga baryay in dadka maalkoodii ku waayay Dabkaa uu siiyo badal kheyr qaba oo deg-deg ah, inta waxyeelo ka soo gaartayna uu Eebbe u booga dhayo.

Like it? Share it!

Leave A Response