Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xay waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya. Shirkan degdegga ah oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah: – Dib u hawlgelinta Hey’adda...

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dadka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muujiyaan kadib markii lagu dhowaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii laga adkaaday Raila Odinga. “Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku...

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaano hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Xildhibaan Maxamed Buraale oo katirsan Golaha Shacabka kana mid ah wafdiga ayaa sheegay inay xal ka gaareen dilal annoying qabiil ah oo waayadaan kajiray...

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa xalay ka dillaacay magaalada Kisumu ee ay ku xoogan yahay taageerayaasha musharaxa laga adkaaday ee doorashada Kenya Raila Odinga kadib markii natiijada lagu dhowaaqay. Taageerayaal careysan ayaa soo buuxiyey waddooyinka ayaga oo dhagxaan tuuraya islamarkaana ku doodaya in doorashada lagu shubtay, ayada oo booliska ay ku fureen gaaska dadka...

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa VOA  u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah Xubnihii Al-Shaaab ee ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoostaga...

Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa u mahad celiyay dhammaan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, maleeshiyaadka macawiisleeyda & Guddoomiyaha Gobolka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan Maxkamado ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Basra ee Aaga degmada Deyniile iyo degaano kale oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dadka lacago ay uga qaadaan. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waajib ku tahay in muddo laba sanadood...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu Bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa...

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa degaannada Teedaan & Qodqod ee Gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah. Weerarkaas ayaa goobjoogayaal sheegeen in lagu dilay laba Askari oo katirsan Ciidamada dowladda mid kalena lagu dhaawacay,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Dhaaha. Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC)...