Soomaaliya oo loo ballan qaaday taageerida gurmadka Abaaraha

by admin | Tuesday, Aug 16, 2022 | 292 views

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu Bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka taagan dalkeenna Soomaaliya.

Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa ballan qaaday in Bankigu uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono Gurmadka Abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.

Bankiga ayaa dhawaan u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee Afgaanistaan, si loo daboolo baahiyaha bani’aadannimo ee degdega ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay Caalamka ku gaarsiineyso aaarta xilligaan kajirta Soomaaliya, iyada oo wadamada qaar ay gurmad raashin ah iyo mid lacageed ugu deeqeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response