Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee gawaarida loo adeegsadagay ee Maanta lagu weeraray Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay kuyaallaan Xarunta Madaxtooyada labaad ee hir-Shabeelle & Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan. Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah...

Wararka naga soo gaaraya Maaalada Qardho ee degaannada Puntland ayaa sheegaya in Rasaas xoogan laga maqlayo Magaalada Qardho kadib markii maleeshiyo Beeleed hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Magaaladaas. Wararka la helay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay diidan yihiin in Xabsiga Magalada Garoowe loo gudbiyo Dhalinyaro ku heyb ah oo Maxkamadda Qardho xukun...

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo laba sano ah u kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulan ay maanta yeesheen golaha guurtida ayay ku dhawaaqeen go’aankaan oo ay sheegeen in uu yimid ka dib markii ay qiimeeyeen xaaladda Somaliland ay hadda ku sugan tahay. Go’aankaan ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ka shaqeynayay...

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay soo baneeyeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda deegaanadaasi baneeyay ay saldhigteen degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u...

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Awbakar Dhagaweyne saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka hiiraan oo ku guda jiro gulufka Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Dadaalada gurmadka loogu fidinayo shacabka iyo ciidamada ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan. Guddoomiyaha Gobalka...

Wararka naga soo gaaraya Aaga degaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Qaraxa oo ahaa miinada Nooca dhulka lagu Aaso ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan...

Sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in isu-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah Arbacadii. Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) & Taliyaha Ciidamada xoogga dalka janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho ku tegay degaannada ay howlgallada ka socdaan ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay garab taagan yihiin cid kasta oo la dagaalameysa Al-Shabaab. Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo...

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabaddoonada ugu caansan Gobolka Hiiraan ayaa ku dhintay dagaal Maanta degaanka Ceelqooxle ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab. Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa kamid ahaa dadka hubka qaatay ee todobaadyadii la soo dhaafay Gobolka Hiiraan kula dagaalamayay Al-Shabaab,...

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheikh C/qaadir ayaa ku dhawaaqay wixii maanta ka dambeeya aanay Wasaaraddu wax lacag ah ka qaadi doonin Shahaadada Ardayda Dugsiga sare. “Maadaama Imtixaanka iyo Shahaadada ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarashadu wax kharash ah ka qaadeynin Shahaadada...