Maamulka Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray dilal ka dhacay duleedka degmada Matabaan

by admin | Wednesday, Aug 17, 2022 | 284 views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaano hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Buraale oo katirsan Golaha Shacabka kana mid ah wafdiga ayaa sheegay inay xal ka gaareen dilal annoying qabiil ah oo waayadaan kajiray duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

“Waxaan gaarnay Degmada Matabaan anagoo u tagnay xalinta shaqaaqo ay ku dhinteen 4 ruux nawaaxiga Matabaan, dilalkaas haddii ay sii socdaan oo culeys ku noqon kara howlaha xoreynta Alshabaab, nasiib wanaag waxey ku soo dhamaatay is af garad lagu dhameeyay dilalkii dhacay.

Wuxuu Xildhibaanka u mahad celiyay si guud masuuliyiintii kawada qeyb qaatay xalinta dilalkii dhacay, si gaar ah ugu mahad celiyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qaatay masuuliyadii waxii dhacay oo dhan.

“Beelahaas walaalaha ah oo beryahaan dagaalka hal saf kuwada jira markii ugu horeysay muda 30 sano ah kadib waxey keeneysaa in laga guul gaaro xoreyntaa deegaanadooda ayuu yiri” Xildhibaanka.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal la xiiray annoying qabiil ay ka dhacayeen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ugu dambeeyay dilkii Maalin ka hor loo geystay laba kamid ah askarta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response