Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Magacaabay Guddi qiimeeya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Beledweyne

by admin | Wednesday, Oct 5, 2022 | 247 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Isniintii ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 9 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda.

1: Cabdiraxmaan Daahir Guure Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiyaha Guddiga.

2: Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga.

3: Maxamuud Wabar Xasan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Guddiga.

4: Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xoghayaha Guud ee Guddiga

5: Cali Cabdulle Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle Xubin.

6: Muuse Salaad Wehliye Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xubin

7: Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin.

8: Maxamed Faarax Cali Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Shir-Shabeelle Xubin

9: Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Xubin.

Like it? Share it!

Leave A Response