Xukuumadda Somalia oo beenisay War laga faafiyay Garoonka Aadan-Cadde

by admin | Wednesday, Oct 5, 2022 | 280 views

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay Warka lagu baahiyey Baraha Bulshada Ee la xiriiray Warqad lagu been abuurtay Maareeyaha Garoonka Aadan-Cadde ee ahaa in Shaqaalaha Garoonka looga digayo khatar Amni iyo weeraro ay qorsheeyeen Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde oo ay faafisay Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri”

Xafiiska Maareeyaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Abdulle wuxuu ku wargelinayaa shacabka Soomaallyeed iyo
Hay’addaha ay khusayso in warqadda la wareejinaayo baraha bulshada loogana hadlayo Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ay tahay been abuur aan waxba ka jirin.

Amniga Garoonka waxaa gacanta ku haya Hay’addaha Amniga Qaranka. Baahinta xogaha la xiriira Amniga ayaga ayaa laga tixraacayaa ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Horay Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhiya Xerada Xalane ayaa soo gudbin jiray digniinaha Amniga iyo goobo laga cabsi qabay inay weeraraan Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar rumoobi jiray.

Like it? Share it!

Leave A Response