Wiilka Madaxweynaha Uganda ee u hanjabay Kenya oo General loo dallacsiiyay

by admin | Wednesday, Oct 5, 2022 | 323 views

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.Kainerugaba, oo hore u ahaa gaashaanle, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda kadib markii la dalacsiiyay, laakiin waxa uu sii wadan doonaa shaqadiisa la taliyaha sare ee madaxweynaha ee hawlgallada gaarka ah.

Kainerugaba oo 48 jir ah ayaan waligiis caddeyn inuu doonayo inuu aabihiis kala wareego madaxweynaha wadanka ku yaal bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo u dabaaldegaya dhalashadiisa bishii Abriil, wuxuu ka hadlay ku guuleysiga awoodda dalkaas, wuxuuna sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Siyaasiyiinta iyo kooxaha mucaaradka Uganda ayaa Museveni ku eedeeyay inuu wiilkiisa u diyaariyay si uu xilka ugala wareegoo marka uu isagu ka dego.

Museveni ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response