Rag katirsanaa Daacish oo saaka dil toogasho lagu fuliyay Muqdisho

by admin | Wednesday, Oct 26, 2022 | 276 views

Maxmamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukunkii dilka toogashada ahaa fagaaraha Iskuul Bulusiya ugu fulisay laba Rag ah oo ka tirsanaa Kooxda Daacishta Soomaaliya.

Ragaan oo lagu kala Magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax ayaa lagu helay dilal ay ka geysteen Magaalada Muqdisho & Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xabsiyada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xiran rag lagu helay inay dilal geysteen oo katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish iyo Askar katirsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ay fuliso, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sidaan oo kale xukuno dila ah lagu fuliyo rag kale.

Like it? Share it!

Leave A Response