Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Baay. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka...

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday laga billaabo Maanta oo Axad ah in la joojiyey duullimaadyadi dalka gudahiisa sababo la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan in ay xayirayso duulimaadka maxaliga ah ee gudaha dalka, kadib markii dhawaan ay...

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar culus ku qaaday madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwa “xada hantida” deegaanadooda, wuxuuna si gaar ah usii weeraray kuwa Puntland iyo Jubaland. Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in madax goboleedyada, oo uu isaga ugu yeero barasaabyo, ay ku kala duwan yihiin in kuwa Puntland iyo Jubaland...

Fadeexad ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo ifbaxday, ka dib markii roobab ka da’ay ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe. Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday adduun lacageed oo dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m), hase yeeshee marka...

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka ay Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso iskuul ku yaalla Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Masaari ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la...

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka ‘coronavirus’ ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 104,000 subaxnimadii Sabtida, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,700, taasoo ku kalifaysa dhimashada adduunka in ay gaareyso 27,360 qof. Dhanka kale, Talyaanigu, wuxuu shaaciyay 919 dhimasho oo cusub oo Covid-19 waana tiradii...

Dokumentiga ka soo baxay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee ku saabsan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya waxaa ku cad in Somaliland aysan ka mid ahayn Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Warbixin kasoo baxday Hay’adda lacagta Adduunka ayaa muujisay in Somaliland aysan qeyb ka aheyn qorshaha deynta Cafinta Soomaaliya, islamarkaana labo qeybood loo kala qeybiyay Soomaaliya...

Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu karantiil ku jiro ka dib markii mid ka mid ah shaqaallaha Xafiiskiisa laga helay cudurka ‘coronavirus’. “Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalahayga xafiiskeyga ee Komishanka Midowga Afrika laga helay  COVID-19. Qofka shaqaalaha ah wuxuu ku jiraa xaalad deggan” ayuu...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xiran yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus. Warbaahinta...

Maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay dhaqangalinayso Amar kasoo baxay kaasoo ahaa in guud ahaan Puntland ay xirto Xuduudaha ay la wadaagto dowlad degaanka Somaalida iyo Somaliland. Puntland ayaa maanta sidoo kale lagu waddaa in ay joojiso qaadka ka yimaada dalka Itoobiya oo soo mara dhanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Xuduudaha maamulka Puntland...