Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka  HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare  Waxaa Xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Md Cali Maxamed Caraale waxaana Xilkaas loo Magacaabay Md Cali Jeyte Cusmaan. Gudoomiyaha Cusub ayaa horay u soo noqday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan  Saddex jeer. ...

Waxaa la soo warinayaa in ay kordheen dilka iyo tacadiyada kale ee loo geysanayo caruurta, dumarka iyo waayeelka, kuwaas oo ku nool degaan qiyaastii 40 km oo dhanka xeebta ah kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Sawiro ay heshay  shabakada reegaay.com  ayaa muujinaya in koox maleeshiyaad ah ay weerareen guri ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah islamarkaana...

Madaxda wadamada IGAD ayaa waxaa u furmey Shir dhinaca Muuqaalka ah (Vidio Conference),kaas oo ay uga hadlayaan sida looga hortegi karo faafida cudurka Coronavius oo dad badan ay ugu dhinteen dalalka yurub iyo Mareykanka kuwo kalena ay la jiifaan. Kulankaan oo uu hagayo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD,isaga oo ku sugan Xarunta IGAD ee dalka Jabuuti ayaa Madaxda IGAD ay...

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo Saaray Baaq lagu mamnuucayo Isticmaalka, Boobka iyo Qaadashada Sharci-daradda ah ee lagu hayo dhammaan Dhulalka iyo Hantida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Cadaaldda Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysata horayna ula wareegtay dhul ay leeyihiin...

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ee xalay fiidkii hore ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kula xariiray, Siciid Cabdullaahi Maxamed...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa  tacsi u direy guud ahaan Shacabka iyo Maamulka Puntaland geerida ku timid Gudoomiyahii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Xasan Xersi oo ku geeriyoodey qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe. War-saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas,isla markaana Jubbaland...

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhamaan heegan la geliyey Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas si ay u fuliyaan howlgallo lagu sgayo Amniga iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus. Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Puntand iyo Kuxigeenkiisa iyo Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa lagu shaaciyey in heegan la geliyey Ciidamada,waxaana la amrey laamaha Amniga inay cududooda...

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysanaa oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa waxaa ay is rasaaseyn ku dhex-martey Gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano suuqa Khaliifa. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga Burcada ahaa oo ku hubeysnaa Bustoolado ay dhac u geysanayeen dadka Shacabka ah,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay kusoo...

Wararka  ay ka heleyso  shabakada reegaay.com  dalka Turkiga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah,kaas oo Maalmahaan cudurka la xanuun sanayey. Muwaaddinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Macalin Maxamed Carfaaye ayaa maalmahaan waxaa lagu daweynayey Isbitaalka Ankara Şehir,waxaana...

Dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa ay ku xayiran yihiin Magaalada Tripoli ee Caasimadda dalka libya,kuwaas oo halkaasi ku tagey qaab tahriib ah si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub. Dhalinyaradaan oo ka tegay deegaannada Soomaaliland ayaa qaarkood waxaa ay gacanta u galeen Magafe oo ay siyaabo kala duwan uga baxsadeen,waxaana ay sheegeen inay xayiran yihiin una soo laaban...