Dagaal aad u xun oo caruur gowrac ah oo ka socdo duleedka Kismaayo{sawiro}

by admin | Monday, Mar 30, 2020 | 494 views

Waxaa la soo warinayaa in ay kordheen dilka iyo tacadiyada kale ee loo geysanayo caruurta, dumarka iyo waayeelka, kuwaas oo ku nool degaan qiyaastii 40 km oo dhanka xeebta ah kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Sawiro ay heshay  shabakada reegaay.com  ayaa muujinaya in koox maleeshiyaad ah ay weerareen guri ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah islamarkaana ay dil iyo dhaawac ugu geesteen dad ay ku jiraan caruur iyo waayeelo.

Sidoo kale dilka iyo dhaawacii ugu dambeeyay ee waayeelka iyo caruurta loo geestay ayaa daba socda dilka iyo gowraca ugu yaraan 4 canug oo kale oo ka yar da’da 10 sano. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dil iyo kufsi loo geestay dumar maato ah.

Arimahaan oo dhan ayaa daba socda dagaal beeleed muddo bilooyin ah ka socda duleedka Kismaayo waxaana ka sii daraya xaalada degaanka.

Boqolaal shacab ah oo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato ayaa isaga baxay degaanka. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in tobaneeyo dad ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar in la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo, waxaana ku jira kuwa ay xaaladooda aad u liidato.

Maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in uu ku guul dareestay joojinta xasuuqa degaanka ka socda, halka dadaalo ay culumada iyo odayaasha sameeyeen aysan natiijo wanaagsan ka soo bixin.

Abaabulka iyo isu hub aruursiga ayaa wali ka socda duleedka Kismaayo, waxaana jira warar sheegaya in dad siyaasiin ah ay hurinayaan colaad beeleedka Kismaayo kuwaas oo ka dhax raadinaya dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Like it? Share it!

Leave A Response