Madaxda IGAD oo u furmey shir muuqaal ah loogana hadlayo Coronavirus

by admin | Monday, Mar 30, 2020 | 497 views

Madaxda wadamada IGAD ayaa waxaa u furmey Shir dhinaca Muuqaalka ah (Vidio Conference),kaas oo ay uga hadlayaan sida looga hortegi karo faafida cudurka Coronavius oo dad badan ay ugu dhinteen dalalka yurub iyo Mareykanka kuwo kalena ay la jiifaan.

Kulankaan oo uu hagayo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD,isaga oo ku sugan Xarunta IGAD ee dalka Jabuuti ayaa Madaxda IGAD ay ka hadlayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga faafida cudurka COVID 19 iyo kordhinta dagaalka ay kula jiraan.

Kulanka oo hab muuqaal ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda,dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda , Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan,waxaana inta badan madaxda ay isku raaceen in la iska kaashado ka hortaga COVID 19.

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo qadka taleefoonka dhawaan kula xiriiray Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyey inay yeeshaan kulan ay uga hadlayaan xaalada Coronavirus si ay tallaabo u qaadaan,kaas oo Maanta u furmey.

Qaar kamid ah wadamada IGAD ayaa laga helay kiisas kamid ah Cudurka Corona,waxaana dalalkaas kamid ah,Kenya,Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti,iyada oo ay socdaan qorshoyin looga hortagayo in uu Cudurkaas ku faafo dalalkaas

Like it? Share it!

Leave A Response