Gudoomiyaha Midowga Afrika oo ku jira Xaalad Karantiil ah

by admin | Saturday, Mar 28, 2020 | 453 views

Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu karantiil ku jiro ka dib markii mid ka mid ah shaqaallaha Xafiiskiisa laga helay cudurka ‘coronavirus’.

“Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalahayga xafiiskeyga ee Komishanka Midowga Afrika laga helay  COVID-19. Qofka shaqaalaha ah wuxuu ku jiraa xaalad deggan” ayuu yiri Mussa Faki.

“Tallaabooyin taxaddar leh ayaan qaadnay  waxaan nahay karantiil aniga iyo qaar ka mid ah Shaqaallaha Xafiiskeyga” ayuu Mahamat ku soo qoray Twitter.

Waxaa uu sheegay in uu ku jiri doono karaantiil tan iyo inta laga baarayo ,maadaama uu aad ugu dhawaa qofka laga helay Coronna Virus.

Waxaa jira in ka badan 553,200 kiis oo adduunka oo dhan ah, oo in ka badan 27,000 ay dhinteen iyo in kabadan 127,500 ay ka bogsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response