Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii...

Maxamed Nuur oo ahaa Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay u dhalatay dalka Australia  oo aan hubaysnayn. Falkaan ayaa dhacay  15 Luulyo sannadkii 2017, waxaana labaddii sano ee lasoo dhaafay ku socotay Maxkamadeyn kala duwan. Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka...

5 Burcad-baddeed Soomaali oo ay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee loo yaqaano EU NAVFOR ay bishan April 21-dii gacanta ku dhigeen ayaa loo gudbiyey Jesiiradda Sishilis ee kaabiga ku haysa Badwqeynta Hindiya. Saddex ka mid ah Burcad-baddeeda ayaa la sheegay in lagu dhaawacay Hawlgalkii lagu so oqabanayey, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Sishilis. Wakaalladda...

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka mid ah baarlamanka Hirshabeelle  islamarkana ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday maamulka Hirshabeelle, ganacsatada iyo dowladda federaalka in la socod siiyo lacagta shilinka Soomaaliga oo in muddo ah laga isticmaalin magaalada Baladweyne. Xildhibaan kala dire  ayaa sheegay in Isticmaal la’aanta lacagta shilinka...

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Caawa Muqdisho kulan kula qaatey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen Xubno ka mid ah Xisbigiisa ayaa guddoomiyaha Aqalka sare waxaa ay iska xog-wareysteen xaalada dalka iyo wadashaqeyn dhexmarta Xisbiga iyo Xubnaha...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure. Sidoo kale Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee golaha martida iyo wacyi galinta qaranka u magacaabey Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka mid ahaa wariyeyaasha warbaahinta dowladda. XIl ka qaadista...

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba...

Ciidamada dowladda Somalia iyo Alshabaab ayaa ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose,kadib markii Shabaabku ay soo weerareen fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka Afgooye. Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhiga ciidanka dowladda ee deegaanada Sabiib iyo Caanole waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoog leh oo dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay...

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa la soo gaarsiiyey dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Ware iyo kuxigeenkiisa Cali guudlaawe Xuseen,waxaana dacwadaas gudbiyey 11 Xubnood oo ka mid ahaa  Wasiirada hore ee Hir-Shabeelle. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta dacwada gudbiyey ayaa waxaa ay sheegeen inay dacwada...

Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale...