Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qaar ka mid ah Wasaaraddaha diinta ee maamul goboleedyadda ayaa ku eedeeyay wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya in ay qaaday tilaabooyin ay ku doonayso in ay ku musuq maasuqdo tiradda Xujeyda Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay ka yimaadaan maamul goboleedyadda. Wasaarada diinta iyo awqaafta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay doonayso in ay Musuq maasuqdo...

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah Ucid ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doonaayo in uu qabyaaladeeyo Shirkaddaha qaada Xujeyda Soomaaliyeed. Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay dhibaato ku hayaan umadda Soomaaliyeed oo ay doonayaan...

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan ee degaano kamid ah Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa kordhiyay Afduubka loo gaysanayo dhalinyarada ka yar 15 sano jirka si ay uga mid noqdaa dagaalamayaasha Alshabaab, Al-shabaab ayaa degaanada Ceeldheer, Ceelbuur Galcad, Galhariiri, iyo Masagawaay ka afduubtay dhalinyaro badan oo dhamaantood ka yar 15 sano jir sida uu noo sheegay...

Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Yaaqle oo duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al:-Shabaab,waxaana dagaalkaas ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle. Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay weerar...

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 5-tii  Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen...

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Maamulka Puntland uu joojiyey kulan uu Magaladaas uga qeyb geli lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka oo ay soo qaban qaabisay xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe ayaa  la filayey in lagu qabto mid...

Inta badan wadamada Caalamka ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay berri oo ay taariikhdu ku beegan 6-da Bisha May tahay maalinta koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo bishana laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah. Gobolada Soomaaliya ee dadka ka arkeen Caawa Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Magaalada Jowhar...

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Caasi ah oo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho ,Islamarkaana laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. Gaariga ayaa lagu qabtay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in gaariga xilli lagu howlanaa ka furfuridda Waxyaabaha Qarxa uu Qarxay uuna...

Diyaaradaha Droniska ayaa duqeymo culus kulaayey askar alshabaab ah seqdii dhexe ee xaley gobolka jubada dhexe Wararka ka imaanaya degmooyin katirtsan gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in habenkii xaley ahaa ay marti geliyeen duqeymo aad u xoogan kuwaas oo fulinaayey diyaaradaha droniska ee laga leeyahay dalkaasi mareykaka, duqeymaha ayaa lasheegey in lala beegsanaayey...

Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida lagu haayo Caburin , islamarkaana loo baahan yahay in arintaasi si deg deg ah wax looga qabto. Waxaa uu sheegay in warbaahinta Soomaalida ay qaati ka taagan yihiin Xafiisyadda dowladda oo uu sheegay in ay doonayaan in la sii daayo warar ay soo tafaftireen oo ay...