Puntland oo joojisay kulan uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo

by admin | Tuesday, May 7, 2019 | 734 views

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Maamulka Puntland uu joojiyey kulan uu Magaladaas uga qeyb geli lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe ayaa  la filayey in lagu qabto mid ka mid ah Hotelada Magalada Garoowe,isla markaana qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxweyne Farmaajo ay dood ka yeeshaan hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah ay ku yeelan karaan.

Hayeeshee Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas gebi ahaanba ay xalay joojisay Puntland,isla markaana sababta ay tahay in Puntland ay kasoo horjeedo inay kulamo dhexmaraan Bulshada Rayidka iyo Madaxda Dowladda ilaa laga heshiiyo waxa ay dowladda isku hayaan oo ay ka mid yihiin Arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, Arrimaha Kheyraadka iyo awood qeybsiga.

Xalay ayaa Magaalada Garoowe waxaa aad looga hadal hayay kulankaas uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo balse Puntland ay joojisay,waxaana taasi ay qeyb ka aheyd khilaafka xilligaan dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.

Madaxtooyadda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama hadlin kulanka xalay la  joojiyey ee uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu la yeelan lahaa Bulshada qaar ee Magaalada Garoowe,kaas oo lagu joojiyey amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan shir jaraa’id uu ku qabtay Magalada Garoowe waxaa uu si kulul eedeyn ugu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya taas oo keentay in shir uu ugu yeero Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Dowlad Goboleedyada shirkaas oo haatan ka socda Magalada Garoowe.

Like it? Share it!

Leave A Response