Wasaaradda Awqaafta Somalia oo ku dhawaaqday in Berri ay tahay Maalinta 1aad ee Bisha Ramadaan

by admin | Sunday, May 5, 2019 | 1052 views

Inta badan wadamada Caalamka ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay berri oo ay taariikhdu ku beegan 6-da Bisha May tahay maalinta koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo bishana laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah.

Gobolada Soomaaliya ee dadka ka arkeen Caawa Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle iyo meelo kale oo babn.

Dhinaca kale Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response